Maxaa ka cusub Garowe ,Madaxtooyada iyo Ho’yga KMG ah ee Madaxweyne Dani

Caasimada Garowe waxay manta ahayd mid Feysto iyo shaahaysi ka socdo, waxaa la hadal hayaa isbadalka siyaasadeed ee ku soo kordhay Puntland.

Madaxweyne Sciid Cbdullaahi Mxamed Dani ayaa isgoo la tshanaya Madaxweynihii hore wuxuu saacadaha soo socda magcabayaa gudiga xilwareejinta kuwasoo soo qaban qabin doona Xaflada xil wareejinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkaba, waxaana loo badinayaa in gudigaas ay u badnaan doonaan Goæaha wasiirada hada xilku ka dhamaaday.

Madaxweynuhu wuxuu caawa la kulmayaa wafdigii ka socdey Xukuumada Federaalka oo beri Muqdisho ku laabanaya.

Waxaa iyana jira warar sheegaya in Madaxweynuhu uu magcaabi doono dhowaan Agaasimaha Madaxtooyada iyo Afhayeenka Madxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Shaqaalaha Dowliga ah, Taliyayaasha Ciidanka oo uu maanta la kulmay ayuu mar kale la kulmi doonaa.

Waxaa hada socda abaabulka Isi diyaarinta xil wareejinta iyadoo dhank kalena Madaxweynihii hore oo wali degan Madaxtooyada ay ku mashquul san yihiin qaban qaabada xil wareejinta.

Madaxweynihii hore Cabdiwali Mxamed Cali Gaas wuxuu galabt la hadlay shacabka Puntland oo uu ugu baaqay wada shaqayn buuxda in lala sameeyo xukuumad cusub.

Puntlandi.com
Garowe