Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in lala shaqeeyo madaxweynaha cusub ee xilka kala wareegay

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay dowladoodooda cusub u soo dhaweeyaan si wanaagsan oo qalbi furan iyo gamco furan.

“Shalay waxaa inoo dhacday doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxaan dooranay Madaxwayne cusub, madaxwayne ku xigeen cusub, Mudo asbuuc ah ka horna waxaan dooranay barlamaan cusub iyo guddoon cusub. Marka maanta waxaan haysanaa madax cusub, ayuu yidhi madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa isku diyaarinaya sidii uu xilka  ugu wareejin lahaa madaxweynaha cusub ee shalay barlamanku doorteen, Dr, Siciid Cabdulaahi Deni.

Puntlandi.com