Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo M/ Weyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo maanta kulankii ugu horeeyey la yeeshay Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada iyo laamaha Amaanka Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta 09 Jan, 2019 waxay kulan Deg-Deg ah la qaateen taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyagoo ka wada hadlay adkaynta iyo dar-dar gelinta xaaladda ammaanka Puntland.