(Dhegayso) Ururka Haweenka ee gobolka Bari oo baaq u diray Madaxweynaha cusub

Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Bari Marayn Gadoodu oo Waraysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya siisay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa ay ka hadashay dowrlka haweenka iyo dhismihii maamulka Puntland ee 1998 dii .

Gudoomisada ayaa sheegtay in xukuumadihii kala duwanaa ee Puntland soo maray mudadii 20 sano ahayd ay xaqireen dowrkii ay haweenka ay ku lahaayeen siyaasada dalka.

Waxa ay sheegtay in xukuumada cusub  ee uu dhawaan uu soo magacaabi doono madaxweyne Deni   uu ka tala galiyo wasiirada haweenka oo aysan noqon mid uu iska soo magacaabay .

 

Gudoomisada ayaa sheegtay in haweenkii hore ee loo dhiibay wasaaradaasi aysan waxba ka qaban  daruufaha haysta haweenka Puntland .