(Dhegayso) Burtinle oo lagu qabtay kulan lagu taageerayay Madaxweyne Deni

Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabaty kulan lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaybaha kala duwan ee Bulshada  ku dhaqan degmada  Aqoonyahanada , Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Haweenka .

 

Dhamaan dadkii kulanka ka soo qaybgalay ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha , waxayna ugu baaqeen in uu la yimaado wax qabad dhab ah .

 

Haweenkii kulanka ka soo qayb galay ayaa madaxweynaha ugu baaqay in Xukuumada uu soo dhisayo ay ka dhex muuqdaan dowrkii haweenka ee siyaasada.

Dhegayso.