DEG DEG: Siciid Deni oo ku guulaystay xilka madaxweynaha dowladda Puntland

Waxaa goordhow soo dhamaatay wareegaad ee tirinta Codadka musharxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowladda Puntland, oo ay ku tartamayeen labo musharax.

Waxaa xilka madaxweynaha dowladda Puntland ku guulaystay Siciid Cabdulaahi Deni oo helay 35 c0d. kadib markii uu ku guulaystay musharax Asad Cismaan oo helay 31 cod.

Siciid Deni ayaa noqonaya madaxweynaha dowladda Puntland ee sahnta sano ee soo socoto, isagoo xilka kala wareegaya madaxweyne Gaas oo ku haray wareegii koowaad ee doorashada.

Puntlandi.com