DEG–DEG: Axmed Karaash oo qarka u saaran inuu ku guulaysto madaxweyne ku xigeen iyo wareegii saddexaad oo loo gudbayo

Wareegii labaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa hadda lasoo gabagabeeyay, waxaana kusoo baxay labo musharax oo kala ah, Axmed Karaash iyo Cabdi Qowdhan.

Axmed Karaash oo haysta aqlibiyad ku filan oo ah 34 cod, ayaa ku dhow inuu ku guulaysto xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, waa haddii uusan lumin codadka uu hadda haysto.

Cabdi Qowdhan oo wareega saddexaad kula tartamaya Axmed Karaash, ayaa haysta 23 cod.