DEG-DEG: Axmed Karaash oo ku guulaystay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Karaash Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ku guulaystay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, kadib markii kusoo baxay wareegii ugu dambeeyay ee doorashada, isagoo helay 47 cod.

Waxaa la tartamayay Cabdi Warsame Qowdhan oo helay 19 cod.

Waxaa halkaas kusoo dhamaatay doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaana la sugayaa in Axmed Karaash loo dhaariyo xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Puntlandi.com