(VIDEO) Dowladda Puntland oo xirtay kantaroolada lagasoo galo Garowe doorashada awgeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen:Muxiyodiin Axmed Muuse ayaa ku dhawaaqay in ay xiran yihiin xuduudaha iyo kantaroolada lagasoo galo Puntand laga bilaabo maanta illaa berri 4ta Galabnimo.

Taliyuhu wuxuu amar ku bixiyay inaan wax gaadiid ah soo geli karin marka laga reebo masuuliyiinta xasaanada leh iyo dadka la garanayo oo Isimada dhaqanka iyo saraakiisha Ciidanka ee shaqaynaya ka mid yihiin.

Balse, wuxuu sheegay in aan la celinkarin gadiidka xoolaha sida oo uu amray in la baaro oo lasii daayo, balse aysan magaalada dhexdeeda mari karin.

Hallkaan ka daawo shirka taliyaha.

<