(SAWIRRO) Dallada PUNSAA oo soo gaba gabaysay wacyi gelin ku saabsan dastuurka Soomaaliya

Dallada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA), oo kaashanaysay ururka horumarinta dumarka ee IIDA, ayaa ayaa maanta soo gabagabaysay kulan ku saabsanaa wacyi gelinta iyo isla wadaaga macluumaadka ku qoran dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Kulankaan oo maalintii shalay soo bilowday, ayaa diirada lagu saarayay ahmiyada dastuurka, islaamka iyo dastuurka iyo kaalinta bulshadu ku leedahay dhameystirka dastuurka qabyada ah. Waxaa kulanka ka qeyb galay dad ka socday qeybaha bulshada, oo u badnaa ardayda wax ka barta jaamacaddaha kuyaala Puntland, kuwaas oo wax badan laga fahansiinayay xuquuqaha ay ku leeyihiin dastuurka iyo waajibaadka lagu leeyahay muwaadiniinta.

Intii uu kulanku socday waxaa la isweydaarsaday doodo iyo aragtiyo kala duwan oo ku salaysnaa, caqabadaha dib u eegista dastuurka Soomaaliya, dariiqa dib u eegista dastuurka iyo doorka bulshada rayidka ah kaga aadan qodobo la isku hayo ee ku jira dastuurka.

Dallada PUNSAA iyo IIDA, ayaa sheegay talo soojeedinta kasoo baxday kulankaan in lala wadaagidoono hay’addaha dowliga ah ee ku howlan arrimaha dhameystirka dastuurka.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

<