Breaking News–Caawa Garowe oo aan laga seexanayn iyo Musharixiinta oo shukaansigii ugu dambeeyey kula jiraXildhibaanada

Caasimada puntland ee Garowe waxaa Caawa aadloo adkeeyey amaankeeda, iyadoo goobaha deegaanada ay degan yihiin Musharixiintu ay umuuqdaan kuwa aan nalka laga daminayn oo aan lookala seexanyn caawa.

Wararka Magaalada Yaal caawa waxay sheegayaan in Musharixiintu ay ukala dhuumanayaan Xildhibaanada ayna olole xoogan ugu jiraan sidii aygacanta ugudhigi lahaayeen Codka Xildhibaanada.

Madaxtooyada oo ilaa hada Ho’y u ah Madaxweyne Gaas ayaan iyana ilaa galabta teleefoonada laka dhigin, ilo aad ugu dhow Madaxtooyada oo Puntlandi.com la hadley waxay noo sheegeen in kooxda wada ololaha Doorashada Madaxweyne Gaas aysan caawa seexanayn, dhagtana ay ku haysanayaan mobiladooda, Musharixiinta kale ee Miisaanka leh ayaa iyana sidoo kale ololahaas mid lamid ah ku jira, Guriga uu degan yahay Musharax Siciid Dani ayaa kamid ah goobaha nalalka dhaadheer ka daaran yihiin.

Ololaha Doorashada ee Musharixiintu ayka dhex wadaan Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inuu soo gabagaboobo Beri aroortii, xiligsoo musharax walbaa uu soo xaadiri doono Baarlamaanka.

Puntlandi.com kala soco si toos ah Doorashada.