Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Farmaajo ku eedeeyay caga juglayn iyo Aar goosi

Xildhibaano ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee dowladda Soomaaliya UPD ayaa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay caburin iyo caga juglayn lagu hayo xoriyatul qowlka .

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ,kana tirsan  Xisbiga UP ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aargoosi ku wado  qofkasta oo qayb ka ahaa Heshiiskii Kampala Accord,

 

Heshiiskii Kambaala ee 2011kii ayaa sababay in uu Farmaajo iscasilo xiligaas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaare, waxaana heshiiskaasi qayb ka ahaa , Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wakiilkii Qaramada Midoobay ee xiligaasi Mahiga.

Dadkii eedeenta ujeediyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomalaiya xasan Sheekh Maxamuud.

 

Hadalkan ayaay Xildhibaanaduy ka sheegeen shir ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho .

 

 

<