Wafdi Villa Soomaaliya ka socday oo quus gooyay safar ay maanta ku imaan lahaayeen Garowe

Wafdigii Villa Soomaaliya ka socday ee uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibada, ayaa ugu damben ku qasbanaaday safar ay qorshaynayeen inay ku yimaadaan Garowe, xilli ay dowladda Puntland ka mamnuucday in cid kastirsan xukuumada Kheyre iyo Farmaajo cagaha soo dhigaan Puntland inta doorashadu lagu guda jiro.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu warsidaha Puntlandi helay, ayaa sheegaya in xildhibaano katirsan barlamaanka labada aqal ee Soomaaiya oo ku sugan Garowe ay ka shaqeynayeen in saraakiisha Villa Soomaaliya yimaadaan Garowe ay ku hungoobeen isku daygaas, kadib markii hay’addaha amnigu go’aan cad siiyeen.

Dowladda Puntland ayaa ka xirtay dhammaan garoomada diyaaradaha inay kasoo degaan shakhsiyaadka ka socda xukuumada federalka, iyadoo arrintaan daba socota.

Wixii warar ah oo kusoo kordha kala socda Puntlandi

 

 

<