Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo qaarkood gudbiyay lacagihii guddigu doorashada kusoo rogay

Qaar badan oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa maanta illaa iyo xalay gudbiyay lacagta lagusoo rogay, taasoo qeyb ka ah sharuudaha doorashada madaxtooyada.

Lacagtaan oo dhan $20,000, oo laga rabo murashixiinta madaxweynaha, ayaa lagu wareejiyay guddiga doorashada , waxaana murashixinta gudbiyay ay si rasmi ah ubuuxiyeen mid kamid ah sharuudihii ugu weynaa ee laga rabay.

Murashixiinta illaa iyo hadda gudbiyay lacagahaas waxaa kamid aah inta aan ogaanay.

Cali Xaaji Warsame

Maxamuud Jebiye

Siciid Dheere

Siciid Deni 

Cabdi Faarax Juxa,

Asad Diyaano.

Faarax Cali shire.

Maxamuud Cabdi Axmed (Gar-libaax)

Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

Maxamed Axmed Jaamac (Shaale)

Cali Cabdi Awaare 

Khaliif Ciise Mudan

Cabdi Samad Maxamed Gallan

Dhinaca madaxweyne ku xigeenka.

Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)

Warsidaha Puntlandi murashixiintaan kor ku xusan ayuu si rasmi ah xogtooda u helay inay lacagtaas bixiyeen, murashixiinta kale aqbaarkooda waan idiin soo gudbindoonaa haddii ay gudbiyeen.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

<