Masawirka Maanta : – Iimaan la’aantii iyo Cadaawadii Faysal Cali Dhurwaa iyo Maamulka Hargeysa waxay gaartay in shir ugu dhuuntaan Gacan ku dhiiglaha hogaamiya Oromada Xasuuqa ku haysa Umadda Somaaliyeed

Faysal Cali Dhurwaa oo ku qaraabta magaca guddoomiyaha xisbiga UCID ee maamulka Hargeysa ayaa isagoo ka wakiil ah Hogaamiyaha Maamulka Jeegaanta ah ee ka arimiya deegaanada Waqooyi Galbeed Somaaliya Gashaanle dhexe Muse Biixi ayaa wuxuu magaalada Dubai shir qarsoodi ah kula yeeshay Maxamed Jawar oo ah Gacan ku dhiiglaha hogaamiya Maleeshiyooyinka Oromada ee dulaanka iyo Xasuuqa balaaran ku haya Shacbiga Somaali Galbeed.


Xasuuqa Maleeshiyada Oromada ee uu hogaamiyo Maxamed Jawar ay ku hayso Shacbiga Somaali Galbeed

Kulankaas dhex maray Gacan ku dhiigle Maxamed Jawar iyo Somaalidiidka Faysal Cali Dhurwaa ayaa daba socoda kulan hore oo Magaalada Hargeysa ugu dhexmaray Hogaamiyaha Maamulka Jeegaanta Hargeysa Gaashaanle Dhexe Muuse Biixi iyo Wafdi ka socday Hogaamiyayaasha Qoomiyada Oromada ee dagaalka kula jira Shacbiga Somaali Galbeed.

Wararka ka soo baxay kulankaas ay lagu sheegay in diirada lagu saaray kulankaas sidii iskaashi iyo wax-wadaqabsi balaaran ay u yeelan lahaayeen Maamulka Somaali-diidka ah ee Muse Biixi iyo Qoomiyada Oramadu.

Faysal Cali Dhurwaa iyo Hogaamiyaha Maamulka Jeegaanta Hargeysa Muuse Biixi ayaa hore ugu caan baxay in ay geed gaaban iyo mid dheerba u koraan talaabo kasta oo lagu wiiqayo magaca,masiirka iyo midnimada umadda Somaaliyeed.