(Dhegayso) Wararkii ugu dambeeyay iyo diyaar garowga doorashada Puntland 8 Janaayo

Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa saaka aad looga dareemayaa diyaar garowga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa , waxaana aad loo adkeeyay amaanka hoolka Baarlamaanka, wadooyinka soo gala  iyo kuwa ka baxa .

 

Doorashadan ayaa waxaa ka haray oo shalay ilaa iyo xala tanaasulay ilaa iyo ku dhawaad 10 Mushax waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay tanaasulaan Musharaxiin kale .

Maalinta beri ah oo isniin ah ayay Guddigu qorsheeyeen in la dhagaysto qudbadaha Musharaxiinta isdiiwaan galisay oo buuxiyay shuruudihii laga rabay, halka maalinta udambaysa ee Talaadada ah ay dhici doonta doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, kuna beegan 8 Janaayo 219.

 

Hadab maxay ka dhigan tahay iscasilaadooda Musharaxiintan ? su,aalahaas iyo kuwo kale waxaa ka jawaabaya  dadweynaha ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa sidan aragtidooda uga dhiibtay iyago lahadlaayay Puntlandi.com.

 

Halkan ka dhegayso.

 

 

<