DEGDEG:= Dowladda Puntland oo amar duldhigtay xubno ka socda Villa Somaliya oo Garowe kusoo wajahnaa

Dowladda Puntland ayaa hay’adaheeda amniga ku wargelisay inay celiyaan saraakiishaka socda Villa Soomaaliya ee Garoowe, kuwaas oo maanta qorshaynaya inay usoo safraan magaalada Garowe.

Go’aankan mamnuucista ayaa ku kooban Golaha xukuumadda Federaalka iyo shaqaalaha Villa Somalia,hase yeeshee kuma jiraan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ayaa lagu wargaliyay inay celiyaan cid kasta oo ka socota Villa Soomaaliya oo usoo booqasha Puntland.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya, Axmed Cise Cawad, ayaa sheegay inuu tagayo Puntland, isagoo hadalkaas ku sheegay wareysi uu siinayay BBC Somali.

 

<