(Akhriso ) Natiijada doorashada Congo oo dib udhacday markale

Dalka  Congo waxaa maanta dib loo dhigay markale  ku dhawaaqista Natiijada doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, kadib markii cabsi xoogan laga muujiyay ku dhawaaqisteeda in ay dhaliso qalalaase siyaasadeed .

Guddiga doorashada Madaxweynaha Congo ayaa markii labaad dib u dhigay Natiijada ,iyado ahayd ugu dambayn in maanta oo Axad ah lagu dhawaaqo.

lama oga ila aiyo haatan xiliga lagu dhawaaqi doono Natiijada ,balse guddiga ayaa sheegay in ay tirinta codadka ay soo dhamaatay ,dhawaana ay shaacin donaan .

Dalka Congo doorashooyinkii ka dhacay sanadadii  2006dii iyo 2011kii ayaa waxaa ka dhashay rabshado gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh , waxaana laga cabsi qabaa in hadi uu soo baxo Madaxweynaha dalkaasi oo mudo badan soo talinaayay in xaaladu ay isbadasho.

Mareykanka ayaa isku diyaarinaya in dalkaasi uu u daad gureeyo ciidamada sida gaarka ah utababaran si uu u soo daad gureeyo  muwaadiniintiisa   ku sugan dalkaasi ,hadii ay rabshado ka dhacaan dalka Congo .

 

 

 

<