
Kooxda Argagixisada ah ee Daacish kuna dhuumaalaysanaysa buuralayda golis ee gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday weeraradii ay fuliyeen intii udhexaysany sanadkii 2016kii -218kii .
Kooxdan ayaa weeraradooda inta badan waxa ay ka fuliyaan magaalooyinka Muqdisho , Afgooye iyo buuralayda gobolka Bari oo ay kula dagaalamaan ciidamada Difaaca Puntland in kastoo ay aysan awood kulahayn .
Kooxdan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in sanadkii in tan iyo markii ay soo shaac baxeen sanadkii 216kii gudaha dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen ila aiyo 106 weerar oo isgu jiray dilal qorshaysan iyo Qaraxyo lagu xiray gaadiidka raaxada ah oo ay wataan dadka dowladda u shaqeeya .
Kooxda ayaa warkan ku faafisay Warbaahinta ku hadasha afkoode ee AMAQ,
Dhaamaadkii sanadkii 218kii ayay ahayd markii Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ay ku wada dagaalameen deegaano katirsan gobolka Bari , iyadoona Daacish ay weerarkaasi ku sheeghatay in Al-shabaab ay kaga dileen 14 xubnood oo dagaal yahanadooda ka tirsan.
Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ayaa midba midka kale waxa uu doonayaa in uu weeqo awoodiisa si ay u helaan dhaqaale ay ku lasii dagaalamaan dowladda ayna ku qortaan dhalinyaro cusub .
Puntlandi.com Bosaaso .