Sharuudaha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo habraaca guud ee doorashada

Shuruudaha Doorashadda Puntland 2019.

Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2019 waxa ay bixinayaan 20.000 US$, Musharixiinta Madaxweyne Ku Xigeenada waxa ay bixinayaan 10.000 US$. Da’diisu 40 sanno kama yaraan karto, waa in uu ugu yaraan Soomaaliya joogay labadii sanno ee ugu dambeysay.

Musharixiinta Madaxweynaha u tartamaaya uma tartamaaya karaan madaxweyne Ku Xigeenada(Kii madaxweyne looga adkaado uma tartami karo Madaxweyne Ku Xigeen).

Musharixiin fara badan ayaa ka tanaasuli doonta markay maqleen shuruudaha lagu xiray. Maanta oo ah sabti 12:00 duhurnimo ayaa la qabanayaa diiwaan gelinta Musharixiinta illaa iyo berri oo axad ah 16:00 galabnimo.

Khudbadahana waxay jeedin doonaan maalinta isniinta ah oo taariikhdu tahay 07/01/2019 07:30 subaxnimo, Musharixiiba wuxuu khudbaynayaa 15 daqiiqo keliya.

Maalinta talaada oo taariikhdu tahay 08/01/2019 waa doorashadii 07:30 subaxnimo ayay bilaabanaysaa illaa ay ka dhamaato isla maalintaas. Wareega koowaad waxaa u soo baxaaya saddexda ugu codka badan ayaa u soo gudbaaya wareega labaad. Wareega saddexaad waa cod dheeri ayaa lagu kala adkaanayaa. Mustafa Ahmed Adde 05/01/2019.

Wararka doorashada.

<