Dowladda Mareykanka“ Al-shabaab wali waxa ay qatar kuyihiin dowladda Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah ”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay yareynayso howlgalka  ka dhanka ah Al-shabaab, ee Soomaaliya oo ay ka wadaan ciidamada Mareykanka .

Sababta  ugu wayn ee uu Mareykanku uyareynayo howlgalkiisa  Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qatar ku hayaan Al-shabaab dowladda Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah ,balse aysan  jirin wax qatar ah oo ay ku hayaan  Maraeykanka .

 

Mareykanka ayaa dowlada Soomaaliya ka caawin jiray dagaalka ay kula jirto Argagixisada Al-shabaab  gaar ahaan dhanka duqeymaha cirka ah .

 

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in arintan aysan saam,een ku yeelan doonin howlgalkii ay Soomaaliya ka hayen ciidamada AFICOM.

Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidmadiisa ka jooga dalka Suuriya ay kala baxayaan maadaama uu dhamaaday  howlgalkii ciidamada ay ku joogeen dalkaasi.

<