Daawo Xog Culus : – Dr.Cali Ciise isagoon ka barri noqon Cadaawadii uu Shacbiga Puntland u qabay iyo Xiriirkii Saaxiibtinimo ee uu la lahaa Somaliland, Maanta ma lagu aamini karaa Masiirka umadda Puntland ? !!!

Allaah ha u naxariistee Halgamaagii weynaa ee Khaliif Sheekh Maxamuud ayaa Maansadisii garnaqsi waa ka mid ahaa Tuducan :

” Ha la wada garamo, Maanta waa Geed Maxkamadeede ”

Shaki kuma jiro in Dr.Cali Ciise Cabdi yahay Muwaadin reer Puntland oo geya inuu u tartamo xilka ugu sareeya madaxtinimada Puntland.

Lakiin waxaa marag ma doonta, cid walibna ka warqabtaa, markhaatigeediina la hayaa in Dr.Cali Ciise Cabdi geed dheer iyo mid gaabanba uu u koray,meel walbna u maray burburinta, wiiqida, sumacad dilka iyo iska horkeenka Shacbiga Puntland.

Dr.Cali Ciise waxa uu mufeker iyo hogaamiye u ahaa mudo dheer kooxa isku baheystay in ay caadifad Beeleed,Beerlaxowsi iyo Borobgaan ah naceybka Shacbiga Puntland lagu lifaaqay lagu abaabulay, laguna kiciyey qaybo badan oo ka mid ah Shacbiga ku nool gobolada Sool iyo Ceyn, iyadoo Shacbigaas lagu dhagray, oo xitaa shaki laga galiyey wada dhalashadii aheyd dhiiga iyo dhaqanka ah ee ay la wadaagaan shacbiga ay Walaalaha yihiin ee dagan qaybo ka mid ah Puntland.

Colaad iyo ololahaa kala qeybinta Shacbiga Puntland ee Dr.Cali Ciise Cabdi iyo Kooxdiisii ay mudad dheer wadeen waxaa ugu danbeyntii ku soo dhamaatay, oo laga dhaxlay Aafooyin waaweeyn oo reebay ihaanooyin iyo uurkutaalooyin xanuun badan, oo aan Taariikhda hore uga dhicin Degaanada Sool,Ceyn iyo guud ahaan Puntland.

Ololihii laba Dr.Cali maanta waxaa bulshadu ka dhaxshay burbur umadded, mid dhaqaale, kala irdhow iyo kala fogaansho Siyaasadeed,is aaminid la’aan, barkaca, dagaalo sokeeye oo loo asteeyey Shacbiga, kuwaas oo ay ku naf waayeen boqolaal qof, is-dhiibid magacii, masiirkii iyo dhulkii shacbiga Sool, Ceyn iyo guud ahaanba loo haneeyey, loona soo hor kacay maamulka Soomalidiidka ah ee Hargeysa.

Guntii iyo gabagabadii Musharax Dr.Cali Ciise Cabdi waa ninka intaas mahadho ah iyo in kaloo badan oo aan soo bandhigin, oo aanu ugu tureyno musharxnimadiisa a
ku suntan, maanta waa Musharax Puntland u taagan xilka ugu sareeya ee hogaanka Siyaasadeed ee Dawlada Puntland.

Waxaa muuqta oo aan la inkiri karin in inta badan Shacbiga Puntland ay dareen dhiilo wata iyo guux weyni ka jiro, oo ku aadan damaca iyo Mushaxrninada xilka madaxweyne ee uu u sharxan yahay Dr.Cali Ciise Cabdi oo aan kheyr iyo xigaalnimo hore loogu baran.

Waxaanu mar labaad ku celinaynaa Dr.Caliyow Adeer Wax aad ku tartanto, oo lagugu doorto oo waafi ah Shacbiga Puntland u sheeg

Waxaa shaki ku jirin in Shacbiga Puntland ay u heelan yihiin, oo ay hamuun weyn u qabaan isbedel Siyaasadeed oo mug weyn oo saameyn togan ku yeesha nolosha Shacbiga dhinac dhaqaale,Nabadgalyo, Waxbarasho. Caafimaad ay ka dhacaan Mandaqada Puntland, lakiin taas macnaheedu ma aha Kud ka guur,oo Qanjo u guur