Ilhaan Cumar oo lagu dhaariyay Kitaabka Quraanka

Ilhaan Cumar ayaa shalay oo Khamiis ahayd wakhtiga Maraykanka waxaa loo dhaariyay  ka mid noqoshada golaha Kongareeska ee dalka Maraykanka .

Waa gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliyeed oo gaarta Darajo noocaan ah Aduunka oo idil waana Gabadhii Soomaaliyeed ee u horaysay oo ka mid noqota golaha Kongareeska Maraykanka, waxayna ku soo biirtay November  sanadkii tagay e 2018. Ilhaan waxaa gacanta loo saaray oo lagu dhaariyey Kitaabka Quraanka.

Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ayaa aad u soo dhaweeyay jagadan ay Ilhaan ku guulaysatay,waxayna sheegen in ay macno wayn ay ugu fadhido guusha Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa waxaa hor yaala howlo badan oo ay kamid yihiin uqareemida dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalkaasi Mareykanka.

Sidookale waxaa maanta  dadkii la dhaariyay ka mid ahaa Rashida Tlaib oo ka soo jeeda dalka Falastiin.

 

<