Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland oo la doortay iyo doorashadii oo soo idlaatay

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Ismaaciil maxamed Warsame oo helay  45 cod, waxaana si rasmi ah usoo gabagabowday doorashadii guddoonka barlamaanka Puntland.

Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa ahaa wasiirkii hore ee cadaalada Puntland, waxaa kaloo uu muddo shan sano ah soo ahaa xoghayaha guud ee barlamaanka Puntland. Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu ahaa bare jaamacaddeed.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa sheegay in caawo lagu dhawaaqidoono guddiga doorashada madaxtooyada Puntland isla beritana barlamaanka.

Puntlandi.com

<