DEG-DEG: Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Puntland oo la doortay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad ka helay codad dhan 38.

Xildhibaan Cabdixamiid Cabdisalaan Ciise oo xilkaan kula tartamayay ayaa ka tanaasulay inu ugudbo wareega saddexaad, isagoo helay 14 cod oo kaliya.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, ayaa ku dhawaaqay natiijada guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamaanka Puntland.

Xubnaha la doortay ayaa ah wajiyo cusub, iyadoo ay meesha ka baxeen masuuliyiintii hore , laakiin weli waxaa harsan tartanka guddoomiye ku xigeenka labaad oo uu ragga tartamaya ku jiro Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee  xukuumada waqtigeedu sii dhamaanayo iyo xukuumadii ka horeysay.

Puntlandi.com

<