
Telfishinka dowladda Shiinaha ayaa war laga baahiyay waxaa lagu sheegay in Dayax Gacmeed ay dowladu dirtay uu gaaray cirifka shishe ee Dayax , gaar ahaan meel aan horay loo gaarin .
Dayax Gacmeedkan Shiinaha uu udiray hawada sare ayaa lagu magacaabaa Jange 4 , wuxuuna soo qaaday Sawiro markii uu gaaray meesh udambaysa ee Dayax .
Dowladda shiinaha ayaa loolan adag ugu jirtay in ay awood ku yeelato hawada sare ,iyadoo la tartamaysa wadamada Mareykanka iyo Ruushka.