Sacuudiga oo sheegay in uu Maxkamadeynayo 11 qof oo lagu helay dilkii wariye Jamaal Khaashuqji

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay Maxkamad soo taagtay 11 qof oo ku eedeesnaa dilka wariye Jamaal Jamaal Khaashuqji , kaas oo labadii October 2018 lagu dhex dilay qunsuliyadii Sacudiga uu kulahaa dalka Turlkiga.

5 kamid ah ragan ayaa la sheegay in lagu xukumay dil toogasho ah , sida ay dal badeen dacwad ooge yaasha dalkaasi .

Maxkamada ilaa iyo haatan ma aysan shegin faah faahin intaasi dheer iyo magacyada raga laxukumay .

Majirto wax jawaab ah oo uu Turkiga ka bixiyay codsi ay sheegeen  dacwad ooge yaasha Sacuudiga in ay udireen dowladda Turkiga  oo ku saabsanaa cadaymaha dilaka wariye  Khaashuqji.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa wajigabax xun kala kulantay dilkii wariye Khaashuqji , waxayna taasi ay keentay in wadamo badan oo xiriir dhaw lalahaa Sacuudiga ay Safiiradooda kala baxaan dalkaasi .

 

<