Qaramada Midoobay oo sheegtay inay baarayso sababta loo eryay wakiilkoodii Soomaaliya

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay eegayso sababta dowladda federalka Soomaaliya u ceyriay ergaygii u fadhiyay Muqdisho, Nicholas Haysom.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Farhan Haq, ayaa sheegay inay isku dayayaan inay helaan faahfaahin iyo tilaabooyinka dheeraadka ah ee loo baahan yahay in la qaado,

Dhinaca kale, xukuumada Villa Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax wada xaajood ah ka galidoonin ceyrintii danjire Haysom, waxayna sheegtay inuu yahay go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen.

Puntlandi.com

<