Gudoomiyhii Sool ee Puntland oo Garoowe lagu Xiray

Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa goor dhawayd lagu xiray Guddoomiyihii  hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi Geelle  sida ay Puntlandi.com u xaqijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ee gobolka Nugaal .

 

Xariga Gudoomiyaha ayaa yimid kadib markii bartiisa Facebook uu ku aflagaadeeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ,isagoo ku eedeyay in uu dhacay hantidii umada .

 

Maalmo ka hore ayuu  iska casilay  xilkii  uu u hayay dowladda Puntland  Gudoomiye Geelle ,mana uusan sheegin sababta uu isku casilay .

 

Halkan ka Akhisro qoraalka uu ku mutaystay xariga.

<