DEG-DEG:- Isimada Puntland oo meesha ka saaray in murashixiinta laga xayiro lacagahooda iyo shirarkooda siyaasadeed.

Garowe (Puntlandi) Isimada Puntland iyo murashixiinta madaxtinimada, ayaa maanta wada qaatay kulan albaabada ulaabnaa oo ay kaga hadlayeen arrimaha doorashada.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte, oo kulanka kadib warbaahinta shir jaraa’id u qabtay, ayaa sheegay inay Isimadu bogaadiyeen habka arrimaha doorashadu usocdaan. Waxaa uu sheegay in la kala xog qaatay oo la isla gartay in masuuliyad wadareed la iska saaro habsami uqabsoomida doorashada.

Wuxuu tilmaamay Isimadu inay madaxweynaha la kulmeen kalana hadleen in meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ku ah doorashada, sidoo kale inuu muwaadin kasta oo reer Puntland ah oo aan dambi galin uu xaq uleeyahay inuu tartamo iyo in murashixiintu qabsan karaan shirarkooda siyaasadeed.

Isimadu waxa kale oo ay sheegeen inaan cidna laga xayiri karin lacagahooda, xawaaladahana aan cuna qabatayn lagusoo rogi Karin. sidoo kale waxay isla meel dhigeen warqadii guddiga amniga doorashada kasoo baxday, iyagoo sheegay inay reeban tahay wax kaste oo qalqal ku ah amniga doorashoyinka.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

<