Kenya oo sheegtay in 7 xubnood oo kamid ah Al-shabaab ay ku dileen howlgal ka dhacay Koonfurta Soomalaiya

Ciidamada dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ay howlgal ka ka dhacay koonfurta Soomaaliya ay k ku dileen ilaa iyo 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab .

 

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda kenya ee ku sugan dalka Soomalaiya , kaas oo lagu magacaabo Njuguna.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in sadax kamid ah ciidamada Kenya ay ku dhaawac meen weerarka.

 

Al-shabaab ayaa horay looga bartay in ay soo weeraraan saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka Amisom.

Weerarkii ugu xooganaa oo ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamada Kenya ayaa ahaa kii Ceel- Cade kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 Askari oo ciidamada Kenya ka tirsan.

 

<