(Dhegayso) Goorma ayay dhacaysaa doorshada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa ?

Gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee Baarlamaanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji oo la hadlay Puntlandi.com ayaa sheegay in maalinta Jimcaha  la qaban doono dorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa .

Waxa uu sheegay in ay kuxigi doono dhagaysiga Qudbadaha Musharaxiinta doorashada utaagan,iyaadoo 8 bishana ay dici doonto doorashada Madaxweynaha .

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale ka warabixiyay mudadii dheereed ee uu Baarlamaanka ka mid ahaa isagoo sheegay in 1998kii uu ka mid noqday Baarlamaankii 1-aad ee Puntland .

Dhegayso.

 

<