António Guterres.” si ula kac ah ayaa loo weeraray xafiiskeena Muqdisho, jawaab degdeg ah ayaan uga baahnahay dowladda federalka Soomaaliya

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyay weerar shalay lagu qaaday xafiiska Qaramada Midoobay uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

António Guterres ayaa sheegay in si ula kac ah loo weeraray xaruntooda taasoo uu sheegay inay xad gudub ku tahay sharciga caalamiga ee xuquuqda dadka.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in weerarkaan lala beegsaday xaruntooda ay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalaha iyo hal qof oo qandaraasle, waxay kaloo sheegtay inay dhaawacyadoodu yihiin kuwo fudud.

Mr. Guterres ayaa dowladda federalka Soomaaliya ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo islamarkaana si deg deg ah jawaab looga bixiyo cadaaladana loo korkeeno kuwii ka dambeeyay.

Xoghayaha Guud wuxuu yidhi, “ficilada noocan oo kale ah hoos uma dhigi doonaan go’aanka adag ee Qaramada Midoobay si ay u sii wadaan taageerada dadka iyo xukuumadda Soomaaliya dadaalkooda ah inay dhisaan nabadda iyo xasilloonida dalka.”

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa isagana sida ugu adag u cambaareeyay. Haysom wuxuu yiri “arrimo siyaasadeed looma adeegsan karo rabshad si ula kac ah u bartilmaameedsanaya shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya xoojinta nabadda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Puntlandi.com