Wariye Catoosh : – Fudaydka Warqada Shaqada looga joojiyay Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo miisaanka howlaha Qaramada Midoobay isuma dheelitirna.

Eryida la raacdeeyey Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ma aha amuur sahlan. Waa qadiyad meelo badan taaban karta. Qaramada Midoobay waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan ciidan ah oo la’aantood aysan dhici karin waxyaabo badan oo hadda dowladda ay ku tiirsan tahay.

Bal aan qodobeeyo amuurahaasi.

1- Askarta Amisom oo gacanta ku haya dhul badan oo dowladdu ay sheegato waxay hoostagaan Qaramada Midoobay.

2- Askartaasi waxaa ka mid ah kuwa waardiyeeya Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
3- Xarumaha Dowladda ugu muhiimsan askarta Amisom ee Qaramada Midoobay ayaa haya sida Garoonka iyo Dekada.

4- Dhaqaalo badan ayay Qaramada Midoobay ku bixisaa degenaanshaha Soomaaliya.
Baahiyahan iyo kuwo kaloo badan Soomaaliya maanta iskama dabooli karto.

Fudaydka warqada shaqada loo joojiyay Ergayga Qaramada
Midoobay iyo miisaanka howlaha Qaramada midoobay isuma dheelitirno.