(SAWWIRRO) Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya oo lagusoo dhoweeyay Garowe.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka tirsan golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Xildhibaanada oo ka yimid magaalada Muqdisho waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda Puntland, maamulka Gobolka, kan degmada, siyaasiyiin, odayaal dhaqmeed, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Labada mudane oo kamid ah xildhibaannada laga soo doorto degaannada Puntland ee ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid ka qeyb gal arrimaha doorashada Puntland.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa lagu amaanaa inuu yahay xildhibaan si dhab ah ugasoo baxay matalaada gobolkiisa Nugaal, isagoo kamid ahaa xildhibaanadii fududeeyay in dowladda federalka ay bixiso lacag dhan $150,000, taasoo loogu talo galay dhismaha garoonka Mira Awaare.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay bulshada la kulmidoonaan ayna ka xogwareysan doonaan baahiyahooda.

DAAWO SAWIRRADA.

 

 

<