(Dhegayso) Maamulka Soomaaliland oo Hargaisa ku xir xiray Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Jigjiga

Maamulka  Soomaaliland ee uu hogaamiyo  Muuse Biixi Cabdi  ayaa magaalada Hargaisa waxa uu ku xir xiray odayaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Geri koombe ee dagta dowladd deegaanka Itoobiya.

 

Sababta maamulka Hargaisa uu odayaashan uxir riyay ayaa lagu sheegay in ay tahay cabasho iyo dibad bax ay ka keeneen Odayaashan dhul balaarsiga ay Oromada ka wado degmada Tuli Guuleed ee dowladd deegaanka Itoobiya .

Ciidamada amniga ee maamulkaasi sheegta in Soomaaliya inteeda kale ay ka go,een ayaa odayaashan ku xiray Jeelka weyne ee magaalada Hargaisa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayay la gashay in uu aqoonsi ka raadsado Itoobiya  xariga odayaasha Beesha Geri koombe .

 

Hadaba , waxaan arimahaasi ka waraysanay Ugaas C/salaan  Jaamac Faarax oo kamid ah ehelada odayaasha laxir xiray .

<