Breaking News : – Dawlada Federaalka Somalia oo Wakiilka Xoghayaha guud Nicholas Haysom u sheegtay inuu Dalka isaga baxo

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa lagu wargaliyey Xoghayaha Guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa in aad Dalka laga rabin ( Persona Non Gratta ) isla markaana uu dalka isaga baxo Wakiilka gaarka ah Xoghayaha Guud u qaabilsan Somalia Nicholas Haysom,

Dawlada Somaaliya ayaa sida muuqta aad u dhibsatay oo ka booday Warqad Qoraal ah oo Nicholas Haysom shalay soo saaray, kagana dalbanaayey Dawlada Somaaliya in ay Jawaab lagu qanci karo ka bixiso dilkii iyo tacadigii Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Booliska Somaaliyeed ka geysteen magaalada Baydhabo ee Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia.

Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada