Barlamaanka Puntland oo guddoomiye kmg ah doortay.

Barlamaanka cusub ee dowladda Puntland ayaa maanta guddoomiye kumeel gaar ah udoortay xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, kaasoo loo xushay inuu yahay ninka ugu da’ada weyn barlamaanka.

Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee labadii barlamaan ugu dambeysay.

Barlamaanka ayaa la filayaa inuu isla maanta qaban qaabiyo dhisida guddiga doorashada guddoomiyaha barlamaanka iyo labadiisa ku xigeenka oo doorashadoodu ku beegan tahay afarta bisha koowaad ee sanadkaan.

Xildhibaanada usharaxan guddoomiyaha barlamaanka ayaa maanta qaar kamid ah ku dhawaaqaya murashnimadooda.

 

<