(SAWIRRO) Dhalinyarada aqoon-yahanka Puntland oo qabtay kulan ay ku taageereen musharax Axmed Karaash.

Garowe (Puntlandi) Dhalinayarada aqoonyahanada ah ee ku dhaqan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa qabtay kulan ay ku taageerayeen musharax Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Kulankaan ayaa laga jeediyay qudbado lagu taageerayay lagunasoo bandhigayay waxqbadka musharax Axmed Karaash, iyadoo lagu tilmaamay inuu kamid yahay wasiiraddii ugu wax qabadka badnaa Puntland, sidoo kale utaagan halganka lagu xoranayo gobolka Sool.

Dhalinyaradii lasoo shaqeeyay musharaxa, ayaa ka sheekeeyay aqoonta iyo shakhsiyada ay uleeyihiin Axmed Karaash, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay masuul ka fog qabyaalad, eex iyo nin jeclaysi, mar walba jecel wasaaradda uu joogo inay ka duwanaanato wasaaradda kale marka loo eego xagga shaqada iyo dhiiri galinta shaqaalaha.

Dhalinyarada ee kulanka ka qeyb galay ayaa farriin udiray xildhibaanada barlamaanka Puntland, iyagoo ka codsaday inay doortaan nin ummada isku wadi kara oo lasoo tijaabiyay waxqabadkiisa.

DAAWO SAWIRRADA KULANKA.

PUNTLANDI.COM

<