Maxaa kasoo baxay kulankii murashixiinta, guddiga amniga doorashada iyo culima’awdiinka?

Garowe (Puntlandi) 23 musharax oo isugu jira murashixiinta u taagan xilka madaxweyne iyo kuwa madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa maanta oo isniin ah la kulmay culimo’awdiin, guddiga amniga doorashada iyo wakiilo ka socday jaaliyadda Puntland ee dibadaha.

Murashixiinta ayaa kulankaan ku dhegaystay dardaaran iyo talooyin ay usoo jeediyeen culima ‘awdiinka isaga kala yimid gobolada, iyagoo aqblay talooyinka loosoo jeediyay o taabanayay masiirka Puntland.

Afhayeenka murashixiinta, Aadan Gaadaale oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay inay murashixiinti balanqaadeen inay la shaqeyndoonaan ciidanka amniga doorashada, welibana ay diyaar u yihiin inay ku taageeraan hubkooda iyo ciidankooda haddii ay ugasoo baahdaan.

Gaadaale wuxuu sheegay arrinta ilaalinta amnigu inay tahay mid muqadas ah oo ay cid waliba masuuliyad ka saaran tahay kuna xirnayn doorashada iyo tartanka.

Waxaa kale oo uu sheegay inay guddiga amniga doorashada ugudbinayaan dhamaan murashax kasta iyo ciidankiisa, si loo diwaan galiyo loona kala ogaado.

Puntlandi.com