(Dhegayso) Horumarka magaalada Gaalkacyo iyo dhismaha wadooyin laami ah

Magaalada Gaalkaca ayaa waxaa ka socda horumar dhinacyo badan leh kadib wixii ka dambeeyay heshiskii labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay kala saxiixdeen

Amaanka magaalada ayaa isbadal ku yimid waxaana la dhisay ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ah ,mana jirin tan iyo wixi ka dambeeyay heshiiskii Nabada ee labada maamul ay kala saxiixdeen wax dagaal ah oo magaalada ka dhacay .

Xaafadaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda dhismaha wadoooyin laami ah oo ay wadaan maamulka degmada Gaalkacyo iyo shirkado gaar loo leeyahay .

Duqa degmada Gaalkacyo Yaasiin C/samad ayaa maanta waxa uu kormeer shaqo uu tagay wadada laamiga ah ee isku laamaha xaafada Garsoor iyo Suuqa Xero daya.

Dhegayso.