
Warar hoosaad ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa tibaaxaya in Gudiga Doorashadu ay maanta soo bandhigayaan 62 Xildhibaan oo diyaar ah halka 5 kursi aysan wali ansixin
Wararka aan ka helayno Xarunta Baarlamaanka Puntland oo saldhig hada u ah Gudiga khilaafaadka waxay sheegayaan in Xildhibanada cusub ee Puntland ay hada diyaar yihiin.
Gudigu waxay soo bandhigi doonaan maanta 62 Xildhibaan, Shanta dhimana maalmaha soo socda ayaa la dhamaystiri doonaa kiisaskooda.
Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub waxay ku dooranayaan Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa, wuxuuna dhacayaa maalmahaan soo socda.
Puntlandi.com Kala soco Liiska Xildhibaanada cusub