Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta la shaacin doono

Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland 2019.

 

Liiska Xildhibaanada ayaa ka kooban 66 Xildhibaan sida uu dhigayo Dastuurka dowladda Puntland  waxaana maalmihii udambeyay socday kala saarita xubnaha laysku haysto oo uu khilaafka ka jiray.

 

Gudiga ayaa soo gaba gabeeyay howshooda kala saarista xubnihii laysku haystay , waxaana lafilyaa in marka Xildhibaanada lagu dhawaaqo ay doortaan maalmaha so socda ninka ugu da,da weyn in ay  Gudoomiye kumeelgaar ah   ay u doortaan inta laga soo dooranayo Gudoonka rasmiga ah .

 

Wariyaha Puntlandi.com ee magaalada Garoowe ayaa soo sheegaya in hoolka Baarlamaanka Puntland oo ay guddigu ku shaqaynayeen looga yeeray Saxaafada si loo shaaciyo liiska Xildhibaanada .

Puntlandi.com kala soco faah faahinta Warkan.

<