Xuutiyiinta Yaman oo dowladda ku wareejiyay Dekeda Xudayda

Xuutiyiinta ka dagaalamaysa dalka Yman ayaa lagu soo waramayaa in ay dekeda magaalada Xudayda ay ku wareejiyeen dowladda Yaman,sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay sarkaal dowladda ka tirsan oo magaciisa qariyay in la baahiyo  sababo amni darteed .

 

Wereejinta  dekeda Xudayda ayaa qayb ka ah dhaqan galinta heshiiskii dhawaan ay wada gaareen mucaaradka iyo dowladda dalkaasi Yaman oo ka dhacay dalka Sweden oo ay Qaramada Midoobay garwaden ka ahayd .

 

Sarkaal u hadlay kooxda Xuutiyiinta ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ay ciidamadooda ay  kala baxeed dekeda Xudayda habeenimadii xalay .

Dagaalka Yaman oo aad u daba dheeraaday ayaa waxa uu soo bilowday sanadkii 2014kii , kadib markii Xuutiyiinta ay ganacta ku dhigeen magaalooyinka muhiimka ah ee dalkaasi.

Puntlandi.com Bosaaso .

 

 

<