(Video) Cali Ciise oo Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxwaynaha Puntland

Dr Cali Ciise Cabdi oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ayaa todobaad ka hor maalinta doorashada ee Puntland ku dhawaaqey inuu isu soo taagey tartanka xafiiska Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019. Munaasabadda uu Dr. Cali Ciise uga dhawaaqey musharaxnimadiisa 8 maalmood ka hor maalinta doorashada ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad faro badan, oo isugu jira qaybaha bulshada.

Munaasbaddan ayaa ahayd mid si weyn loo sugaayey maadaama Musharaxu uu Garoowe yimid 48 saacadood ka hor munaasabaddiisa musharaxnimo, waxaana dadku aad u xiseynayeen arrimo badan oo ay ka mid tahay khudbadda uu soo jeediyo musharax Dr. Cali Ciise Cabdi iyo sida uu uga jawaabo su’aalo badan oo dadku is-weydiinayeen.

Munaasabadda shaacinta musharaxnimada ee Dr Cali Ciise waxaa ka hadley isimo ay ka mid yihiin Ugaas Xasan Ugaas Yasiin, Beldaaje Cali Faarax, garaad Cabdullaahi Cali Ciid, Beeldaaje Ismaaciil beeldaaje Yaasiin, Suldaan Burtinle iyo qaar kale waxaana ay dhamaantood ugu duceeyeen musharaxa in haddii kheyr ugu jiro rabbi la garab galo.

Ka soo qaybgalayaashii xafladdu waxay si weyn u sugaayeen khudbadda musharax Dr. Cali Ciise. Musharaxa ayaa soo jeediyey khudbad aad u koban oo taabanaysa dowladnimada, waxaana uu sheegay in Dowladnimadu tahay Amni sugan, dhaqaale hufan, sinaan iyo caddaalad, isaguna saddexdaas ka dhaweynaayo. Dr. Cali Ciise ayaa sheegay in uu si rasmi ah ugu dhawaaqayo in uu yahay Musharax Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019. Musharaxu kama hadlin sababta ku kaliftey ee saacaddan danbe soo kicisey in uu u tartamo xilka Madaxweynaha, iyo haddiiba ay jirto in uu talo iyo wadatashi ku yimid, waxaana uu hoosta ka xariiqey in aysan soo kicin dan shakhsiyadeed? kama hadlin halka ay ku danbeysey qaddiyadii uu mudada dheer aaminsanaa ee ahaa in Sool iyo Cayn si gaar ah aayahooda uga tashtaan iyaga oo laga goynayo Puntland?, Dr. Cali Ciise kama hadlin xaaladda Puntland maanta marayso?

Musharaxu si gaar ah ugama hadlin xaaladda gobolka Sool ee intiisa badan ka maqan yahay maamulka Puntland iyo waxa uga qorsheysan?, Dr. Cali Ciise Cabdi oo aad loo rajeynaayey in ugu yaraan u fariin u diraayo Somaliland ayaan soo hadal qaadin, marka laga reebo hadalo duurxul ah oo aan toos ahayn.

Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaalyahan aan lagu baran fagaarayaasha siyaasadda Soomaaliya burburkii kadib ayaan si weyn looga aqoon gudaha Puntland, waxaa lagu eedeeyaa isaga iyo 10 qof oo kale oo la baxay G11 in ay fogeeyeen xal u helidda gobolka Sool kadib markii ay ka shaqeeyeen iskuna dayeen dhismaha maamul gooni ah kaas oo socon waayey kuna dhamaadey in Somaliland loo gacangeliyo, inkasta oo Cali Ciise Cabdi markii uu arkey in mashruuca heshiiska Somaliland waxba ka soconeyn uu isaga hadhey una daayey in uu gaadhigaas dareewal ka sii ahaado Dr. Cali Khaliif Galaydh oo aan la ogeyn ilaa hadda halka uu ku demiyey.

DAAWO SAWIRRADa IYO MUUQAALKA.