Tirada dadki ku dhintay duufaanadii ka dhacay Filibiin oo sii kor dhaysa

In kabadan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaantii ku dhifatay dalka Filibiin , waxaana ilaa iyo haatan la la,yahay dad farabadan oo ku hoos jira guryihii ay daganaayeen .

Roobab xoogan ayaa ka da,ay dalkaasi Filibiin afartii maalmood ee la soo dhaafay , waxayna dowladda dalkaasi wadaa dadaalo lagu bad baadinayo dadka ay masiibadu ku habsatay.

 

Meelaha ay daadku inta badan ay ku  dhufteen ayaa waxaa ka mid ah Jasiiradaha caanka ah ee dalkaasi sida uu warbaahinta u sheegay madaxa xafiiska dowladda  ee difaaca rayidka Fisiyaas iyo Bicol.

 

Warbaahinta dalkaasi ayaa soo bandhigtay ciidamada dalkaasi oo wata doonyaha dheereeya, kuwaas oo gurmad u fidinaya dadka shacabka ah ee go,doonka kujira.

 

Waa duufaantii ug xooganeed oo sanafdkan 2018 ka dhacda dalkaasi Filibiin.

Puntlandi.com Bosaaso .

<