Murashixiinta Puntland oo mar kale ka digay faro galin lagu sameeyo doorashada Puntland.

Murashixiinta madaxtinimada Puntland ayaa goor dhowayd oo ay shir ku yeesheen Garowe, waxay soo saareen 4 qodob oo taabanaya masiirka doorashada Puntland.

Murashixiintu waxay si adag uga digeen in faro galin lagu sameeyo doorashada, faro galintaas oo ka imaan karta dhinaca dowladda federalka iyo dhinaca xukuumada Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen taliyaha ciidanka amniga doorashada inuu si dhow ula socdo lana xiriiro saraakiisha ciidanka ilaalada murashixiinta si ammaanka la isaga kaashado oo aan lagusoo dhex dhuuman.

Shirka jaraa’id oo faahfaahin goor dhow la socda.

 

 

<