Faah Faahin: Howlgal wada jir ah oo ay fuliyeen Ciidamada Danab iyo Kuwa Mareynaka

Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Jilib ee gobolka  Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi howlgal wada jir ah ay ka fuliyayciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka .

Howlgalkan ayaa waxa u ka dhacay xerada ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib .

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ,ayaa sheegay in howlgalanka ciidamada dowladda ee Kumaan dooska loo yaqaan ay ku dileen ilaa iyo 40 ka mid ah Argagixisada Al-shabaab  dhaawac farabadan ay horay u sii qaateen .

Waxa uu sheegay in afar kamid ah Shabaabka la laayay ay ahaayeen Ajaaniib  ka bar bar dagaalamaysay Argagixisada Soomalaiya .

 

Majirto wax war ah oo dhankoda ka soo baxay Taliska ciidamada  Mareykanka ee oo xaqiijinaya dhimashada Argagixisada iyo dhaawaca soo gaaray .

Waa jabkii ugu xooganaa ee Al-shabaab loo gaysto ,tan iyo intii uu socday howlgalka ciidamada Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya .

 

 

 

<