Taliye kuxigeenkii hore NISA “ Al-shabaab Degmooyinka kale qaraxyo kama sameeyaan,maxaa ku gaar ah Muqdisho

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/salaan Yuusuf Guuleed oo ka qaybagalaya dooda BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa ku dhaliilay dowladda Farmaajo dayaca amniga dalka ,siiba magaalada Muqdisho .

Waxa uu sheegay in tan iyo markii xukuumada Madaxweyne Farmaajo la soo doortay ay dhaceen Qaraxyo dad badan ay ku hoobteen.

Qaraxii ugu dhimashada badnaa ayuu ku sheegay in uu ahaa qaraxii Zoobe .

Waxa uu isweydiiyay sababta ay Al-shabaab bar til maameedka uga dhigteen magaalada Muqdisho siiba agagagaarka Madaxtooyada .

Taliyaha oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxa yuu Yiri “Qaraxyadii ugu dambeeyay marka laga saaro kii Hotelkii Saxafi, waxay ka dhacayeen Sayidka illaa Hooyooyinka ama Tiyaatarka, taasoo muujineysa in dowladda Soomaaliya ay soo koobantay, Shabaab degmooyinka kale qaraxyo kama sameeyaan, taasoo muujineysa inay kalsooni ka heystaan ama meelahaas aanu bartilmaameedkoda aheyd”ayuu yiri Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida.

“Haddii maanta dowladda Federaalka wada shaqeyn amni kala dhaxeynMaamul goboleedyadii, haddii Ciidamada AMISOM howlgeli karin oo ay ka soo baxayaan xerooyinkooda, haddii sahaydii iyo socodkii ciidamada go’an yahay oo Baraawe illaa Muqdisho wax isu gudbi karin, ama Jowhar iyo Muqdisho si qatar ah lagu gudbayo, intaas waxay ku tusayaan in is bedel weyn oo amniga jiro ma aysan gaarin heerkan 10-kii sano u dambeeyay”ayuu yiri C/salaan Guuleed.

<