(SAWIRRO) Eng. Cabdulqaadir Cabdi Warsame ( Digaale) oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland

Eng, Cabdulqaadir Cabdi Warsame( Digaale), oo ah siyaasi iyo samafale reer Puntland a ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Munaasibad uu musharaxu kusoo bandhigayay go’aankiisa iyo waxqabadkiisii hore, ayaa lagu qabtay Garowe, iyadoo ay kasoo qeyb galeen dadweyne kala duwan, siyaasiyiin iyo salaadiinta dhaqanka Puntland.

Musharax Digaale, oo waxqabadkiisa iyo taariikhdiisa goobta laga sheegay ayaa lagu sifeeyay inuu yahay, shakhsi waqtigiisa ugu badan galiyay u gargaarida dadka danyarta gaar ahaana wuxuu madax ka ahaa hay’ad samafaleed oo Puntland ka fulisay mashaariic u badan ceelasha biyaha.

Dadkii ka hadlay xaflada oo u badnaa salaadiinta dhaqanka, ayaa soo dhoweeyay musharaxa waxayna sheegeen Puntland inay maanta u baahan tahay qof ka shaqeynaya taakulaynta bulshada iyo isku hayntooda, iyagoo qiray in musharuxu leeyahay dhamaaan sifahaas oo idil waa sida ay sheegeen.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa musharax Cabdiqaadir Digaale ku tilmaamay inuu yahay nin lagu yaqaanay wanaaga door fiicanna ka qaatay nabadayntii Taleex, waxaana uu Garaadku caddeeyay inay Puntland maanta u baahan tahay nin samafal ah, nabada jecel, dadkana isku hayn kara.

Guddomiyaha jaamacadda PSU, Maxamuud Sheikh Xaamid oo kamid ahaa aqoonyanada xaflada lagu casuumay, ayaa sheegay musharax Digaale inuu aqoon durugsan uleeyahay islamarkaana uu ku bartay inuu yahay nin xabiib ah isku wadi kara bulshada jecelna inuu caawiyo dadka tabaalaysan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Gen, Cabdi Samad Cali Shire oo kamid ahaa siyaasiyiinta kasoo qeyb galay xaflada islamarkaana hadal kooban goobta ka jeediyay, ayaa murashaxa uga mahad celiyay hankiisa siyaasadeed ee hogaaminta Puntland, isagoo u rajeeyay inuu xilkaan ku guulaysandoono.

Murashax Digaale oo gabagabadii hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waxqabadkii uu Puntland ka fuliyay intii uu madax ka ahaa hay’adda ICRC, isagoo sheegay inuu yahay nin ummaddiisa u qabtay wax badan oo dhaxal gal ah islamarkaana haddii uu ku guulaysto xilkaan uu horseedidoono inay Puntland gaarto isku filnaansho iyo barwaaqo.

Musharaxu wuxuu sheegay inuu barmaanijkiisa siyaasadeed gadaal udhigandoono uuna horgayndoono barlamaanka dowladda Puntland.

DAAWO SAWIRRADA.

 

Puntlandi.com

<